Sawirro-Muuqaal: Meydkii AUN Xamse Muuse Ducaale oo lagu aasay Gaalkacyo

30 July 2024 (Puntlandes.com) Allaha u naxariistee Xamse Muuse Ducaale ayaa maanta lagu aasay magaalada Gaalkacyo. AUN Xamse ayaa jimcihii lagu dilay deegaanka Seemade ee degmada Jariiban, halkaas oo uu ka ahaa Macalin iyo wadaad.

Maamulka gobolka Mudug, kan waxbarashada gobolka, kan degmada Jariiban, kan degmada Gaalkacyo, macalimiin, aqoonyahano, nabadoono iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeyb galay aaska marxuumka.

Sidoo kale, aaska marxuumka waxaa ka qayb galay xubno ka tirsan qoyska marxuumka oo ka yimid Boorame oo uu ka mid yahay adeerkiis oo soo koriyay, maadaama uu ahaa agoon iyo rajay.

Dhammaan dadkii ka soo qeyb galay aaska ayaa muujiyay sida uga xun yihiin dilka loo gaystay marxuumka, iyagoo Alle uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo.

About The Author