Xasan Sheekh oo sharuud adag ku xiray aqoonsiga SSC-Khaatumo & arimo kale

30 July 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sheegey in uu maamulgoboleed u aqoonsanayo SSC-Khaatumo, marka la helo gobolada Sool & Sanaag oo wada socda.

Xasan Sheekh ayaa waxaa la kulmay Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka soo jeeda Beesha Daarood iyagoo kala hadlay sadex arrimood oo kala ah, doonistooda RW kuxigeen, Dhulal looga haysto Muqdisho, Qoondada & Aqoonsiga SSC-Khaatumo.

Madaxweynaha ayaa u sheegay Xildhibaanada inuu RW kuxigeen siinayo Beesha Digil & Mirifle oo dastuurka kala shaqaysay, halka uu aqoonsiga SSC-Khaatumo ku sheegay in ayaga looga baahan yahay inay keenaan Gobalada Sool iyo Sanaag oo wadajira.

Sidoo kale qoondada ayuu sheegay in wax badan ay jiraan dhanka beesha Daarood, dacwooyinka Dhulalkana ay maxkamaddaha & Hay’addaha Garsoorka dalka aadaan.

Jawaabaha madaxweynha ayaa waxay ku noqotay  xildhibaanada qaarkood filan waa iyagoo la yaabay sida uusanba ugu hayn wax qadarin ah, waxayna isla caawa bilaabeen in ay iclaamiyaan kulan deg deg ah oo ay yeeshaan Xilddhibaanada daarood.

Puntlandes.com

About The Author