Sawirro: Xisbiyada Mucaaridka Puntland oo isku raacay in Doorashada noqoto mid Sanduukh lagu kala boxo

31 July 2024 (Puntlandes.com) Kulan ay isugu yimaadeen 19 Mudane oo kamid ah Xildhibaannada cusub ee Golaha Deegaanka Caasimadda Puntland ee Garowe, kuwaas oo kasoo baxay Xisbiyada Mucaaradka ee Horseed, Sincad, Mustaqbal, Shaqaalaha, Ifiye & Mideeye ayna goobjoog ka ahaayeen hoggaanka Xisbiyadaas ayaa isku raacay in Caasimadda Puntland u baahan tahay Isbeddel.

Xildhibaannada ayaa ku balamay in qaabka kaliya ee ay doorashada ku galayaan ay tahay Sanduuq iyo doorasho daah-furan.

Xeerka Degmooyinka & Dhismaha Dawladaha hoose ee Puntland ayaa dhigaya haddii ay Xisbiyadu ku heshiin waayaan in lagu dooranayo Guddoomiyaha & ku xigeenkiisa tartan furan.

About The Author