Ciidanka Amniga Puntland oo gacsnta kudhigay ninkii Bosaso ku dilay AUN guddoomiye kuxigeenkii maamulka & maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika

01 Aug 2024 (Puntlandes.com) Ciidanka Amniga Puntland oo kaashanaya odayaasha beesha eedaysane Maxamed Abshir Muuse oo Magaalada Bosaso horay ugu dilay 29-July-2024 Alle ha u naxariistee guddoomiye kuxigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika Khaalid Cali Khaalid Awmuuse.

Eedaysanaha ayaa gacanta lagu soo dhigay 6:00 Subaxnimo waxaana ciidanka amaanka oo kaashanaya odayaasha dhaqanka ku qabteen deegaanka Durduri.

Eedaysanaha ayaa sida Boolisku sheegay waxaa la horgayn doonaa Maxkamadda awooda u leh qaadista kiiskiisa.

About The Author