Muuqaal: Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyay weerarkii Alshabaab kuqaadeen Shacab ku caweynayay Xeebta Liido

03 Aug 2024 (Puntlandes.com) Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa faah-faahin ka bixiyay weerarkii xooganaa ee xalay ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ayaa sheegay in weerarkan lagu laayay dad shacab ah oo aan waxba galabsan, wuxuuna xaqiijiyay in lagu dilay 32 qof, laguna dhaawacay 63 kale.

“Guud ahaan waxaa goobtaasi ku geeriyooday dad rayid ah oo tiradooda kor u dhaafeyso 32 qofood, waxaana ku dhaawacmay dad kale oo isugu jiro dhaawac culus iyo mid fudud oo gaaraayo 63 ruux” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliya.

Cabdifataax Aadan Xasan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ciidamada ammaanka uu ka dhintay hal askari, mid kalena uu ka dhaawacmay intii uu socday howlgalka, waxaana sidoo kale uu xusay in la toogtay 3 nin gudaha u gashay hoteelka Beach View.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la fashiliyay gaari siday waxlaha qarxa, isla markaana ciidamada ammaanka ay qabteen isaga oo dhaawac ah ninkii waday baabuurka.

Afhayeenka ayaa intaasi kusii daray in weerarkan uu muujinayo sida ay Alshabaab u beegsaneyso shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku baaqay in meel looga soo wada jeesto.

About The Author