Wasiirka arrimaha Dibadda Turkiga oo Addis Ababa kulan kula yeeshay Raysal Wasaaraha Itoobiya

03 Aug 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka arrimaha Dibadda Dalka Turkiga Hakan Fidan ayaa gaaray Magaalada Addis Ababa, ayaa wuxuu halkaas kulan kula yeeshay Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Socdaalka ayaa lagu tilmaamay inuu qayb ka yahay sii socodsiinta wax loogu yeeray wada hadaladii aan miro dhalin ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay garwadeen ka ahayd Dowladda Turkiga.

Dowladda Itoobiya oo Yoolkeeda qaadashada dhulka iyo Badda Soomaaliya u cad yahay ayaa waxay ka codsatay Dowladda Turkiga oo xiriir dhaqaale uu kala dhexeeyo inay Soomaaliya oo wada hadalka sharuud ku xirtay keento Miiska.

Dawladda Itoobiya ayaa sanadkaan bilowgiisii waxay MOU ay ku qaadanayso Bad iyo Dhul Soomaaliyeed la gashay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, heshiiskaas oo ay ka soo horjeesatay Soomaaliya.

About The Author