Muuqaal-Sawirro: Xisbiga Waddani & Ururka Kaah oo heshiis is bahaysi si rasmi ah u kala saxeexday

04 Aug 2024 (Puntlandes.com) Xisbiga Waddani iyo urur siyaasadeedka Kaah ayaa waxa ay ku heshiiyeen in ururku uu taageero musharaxa madaxweynaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo murrashaxa madaxweyne ku-xigeenka Maxamed Cali Aw Cabdi isla markaana ay taageerayaasha urur siyaasadeedka KAAH ay doorashada madaxtooyadda u coddeeyaan murrashaxiinta Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Maxamed Cali Aw Cabdi

Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka socota xaflad ballaaran oo lagu shaacinayo heshiiska isbahaysi ee xisbiga Waddani iyo urur siyaasadeedka Kaah, waxaana Xafladda ka soo qaybgalay madaxda ugu sarreysa xisbiga iyo ururka, xildhibaano tiro badan oo ka kala tirsan golleyaasha Somaliland iyo marti sharaf kale .

“ Cabdiraxmaan Cirro waa hogaamiye calool fayow ka fili maayo aargoosi , Maanta reero kala dooran mayno ee hogaamiyayaal ayaynu kala dooraneynaa ” Maxamuud Xaashi

“Waddani iyo Ururka Kaah Cayaar Saxiibtinimo ayay Ciyaari doonaan”Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan.

default

About The Author