Dhageyso: Dooddii Xildhibaanada Barlaamaanka Puntland oo dhamaystiran iyagoona ku baaqay in go’aan cad laga qaato kasii mid ahaanshaha DFS

2

9 juny 2015 (Puntlandes) Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa maanta ka yeeshay Dood kulul oo ku saabsay DFS oo baalmartay Dastuurkii uummadu ku heshiisay. Xildhibaanada ayaa ku baaqay in go’aan cad laga qaado kasii mid ahaashaha DFS oo ay ku eedeeyeen inaysan wax dan ah uhayn Puntland.

Kulanka maanta ee Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa soo xaadiray ku dhawaad 50 Xildhibaan, waxaana shir guddoominayay Guddoomiye Saciid Xasan Shire, waxaana kulankan uu socon doonaan illaa bartamaha bishan.

Waxyaabaha ay Xildhibaanadu ka doodeen waxaa ka mid ahaa:

  1. Heshiisyadii DFS iyo Puntland ay wada galeen laga soo bilaabo sanadkii 2012 oo ka fuliwaayey DFS
  2. Wax ka bedel ay DFS ku samaysay Dastuurka KMG ee ay wada saxiixeen lixdii saxiixayaasha ee geeddi socodka Soomaaliya.
  3. Ku tagri fal Deeqaha Soomaaliya la siiyo
  4. Hor istaaga Mashaariicda Horumarineed ay DFS hor istaagto
  5. DFS oo Hor istaagtay Shahaadada Waxbarashada Puntland
  6. DFS oo hor istaagtay inay Puntland kana faa’iidaysato Khayraadkeeda Soomaalina uga faa’iidayso
  7. DFS oo si aan gabasho lahayn u doonaysa inay kala jarjarto Puntland iyadoon wax sharciyad ah u haysan
  8. DFS oo meesha ka saartay Federaalkii lagu heshiiyey
  9. Maamulka ay DFS Cadaado ku dhoodhoobtay oo aan waafaqsanayn wixii lagu heshiiyey
  10. DFS oo iska magacaabanaysa Guddiyo heer Federaal oo aysan kala tashan Puntland
  11. DFS Xeerarna iska soo saaraysaysa aysan kala tashan Puntland
  12. iyo kuwo kaloo badan

Mudanayaasha Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay DFS in aysan wax aan dibandaabyo ahayn ku hayn Puntland ayna joogto waqtigii laga tashan lahaa. Maxaa nas’uuliyad ka saaray shacabka iyo dawladda Puntland midnimada Soomaaliya oo aan Xamar laga doonayn?

Gudoomiyaha barlamaanka Puntland Siciid Xasan Shirre ayaa soo dhoweeyay aragtida xildhibaanada barlamaanka, wuxuuna sheegay in go’aan midaysan lasoo saaridoono sabtida ama axada soo socota.

Dhagayso Dooda Xildhibaanada Puntland

Puntlandes.com

About The Author