Mashruuc muhiim ah oo lagu dhisi lahaa wadada Xarfo iyo Gaalkaco oo xaniban, maxay tahay sababtu?

05 Aug 2024 (Puntlandes.com) Mashruuc aad u muhiim ah oo lagu dhisi lahaa wadada Xarfo iyo Gaalkaco oo dherarkeedu yahay 67 km ayaa u xaniban khilaaf u dhexeeya DFS iyo Puntland oo dhan ah iyo Puntland iyo Bangiga Horumarinta Afrika oo dhinac ah.

Shuruudaha dawladda Puntland iyo kuwa Dawladda Fedraalka oo ah kuwo laga wada hadli karo laakiin waxaa ku jira sharuudaha Puntland oo hor istaagaya in mashaariicdy Puntland ka fulo waxaaka mid ah in Bangiga dhexe Puntland lacagta la soo mariyo ama lagu shubo.

Mashruucaan oo dowladii Dr Gaas ay horay u qorshaysay fulintiisa ayaa wuxuu ku soo aaday muddo xileedkii hore ee madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni, iyadoo ilaa iminka uu u xanibanyahay xukuumadda Deni oo sharuud aan la fulin karin ku xirtay.

Mashruucaan aadka muhiimka ugu ah shacabka reer Puntland ayaa u xanibanyahay in madaxweyne Deni aqbalo in la raaco nidaamka maamulka maashaariicda dhismaha ee Bangiga Horumarinta Afrika , labada wasaaradoodna ay MOU kala saxiixdaan.

Habka lacagta Mashaariicda dhismaha uu Bangigu u ayaa ah in toos loogu diro qandaraaalaha Waxaana u dirayaa African Development Bank ama hay’adii ay u idmato funta shaqada.

Hoos ka akhriso Xaashi uu wasiirka Hawlaha Guud u diray dhigiisa dawladda Federaalka uuna ogaysiin siiyey Bangiga Horumarinta Afrika , madaxweynaha Puntland iyo EU, taas oo ku taariikhaysan 03 Aug 2024

About The Author