Daawo Video-Sawiro: Tartankii Quraanka Kariimka ee ka socday Gaalkacyo oo la soo gabagabeeyey

Magaalada Gaalkcyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay Tartankii Quraanka Kariimka ee ay isku kala reebayeen Degmooyinka iyo tuulooyinka Gobalka Mudug. Tartankaan ayaa wuxuu bilowday 10 Bisha Ramadaan.

Tartankaan ayaa waxaa waday Mu’asasada Al-Minhaaj ee Gobalka Mudug waxaana  maalgalisa Sanad walba Shirkada Korontada Gaalkacyo ee Nepco, waan sanadkii labaad ee lagu qabto Xurunta Gobalka Mudug ee Gaalkacyo.

Sanadkaan waxaa kaqayb galay Tartanka  Magaaloyinka kala ah:-

  1. Gaalkacyo
  2. Galdogob
  3. Balli Busle
  4. Jariiban
  5. Xarfo
  6. Degaanka Cagaaran

Ardayda ka qayb gashay Tartanka ayaa gaarayay 41 kuwaas oo isigu jiray saddex qaybood oo kala ah:

  1.  Qaybta  1aad waxay ku tartamaysay  Sodonka  juz Ee quraanku ka kooban yahay
  2. Qaybta 2aad waxay ku tartamaysay Labaatan juz(20)
  3. Qaybta 3aad na ay ku tartamaysay Toban juz(10)

Xaflada oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay  ayaa waxaa ugu horayn lagu furfuray Aayaadka quraanka kariimka ah oo uu akhriyay arday ka mid ah ardaydii  sodonka juz ku tartamaysay.

Waxaa ka hadlay Munaasabada Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise Geelle oo u mahadnaqay dadkii soo abaabulay iyo ka qayb galayaasha wuxuuna sheegay Amiirku in loo baahan yahay in aqoonta la gaarsiiyo meelaha ka baxsan magaalad ee ah Miyiga. Wuxuu kaloo Ammirku ku guubaabiyey Culimada iyo ardada inay ka qayb qaataan Hay’adaha Cadaaladda iyo Amniga Puntland isagoo intaas ku sii daray inay keeni doonto inay Cadaaladda iyo Amniga labaduba ay horumaraan

Sidoo kale waxaa ka hadlay goobta gudoomiyahay Mu’asasada Al-Minhaaj ee Gobalka Mudug  Sh.Muxamed  Siciid  Muuse

Daawo Munaasabada

Kaalinta koowaad

5

Ugu dambayntiina waxaa laguda galay Abaal marintii la siinayay Ardaydii kaalimaha kagashay tartankaan soconayay Todobaadka. Waxaana ardaygii ugu sareeyay la siiyay 500$, shahaadatu mushaaraka iyo alaabo kale,

Waxaa sidoo kale abaal marino iyo shahaadooyin lagu doonsiiyay mucalimiintii Tartanka qaadaysay

Sikastaba ha ahaatee waxaa si heersaraa  kusoo dhamaaday tartankii oo boqolaal dadwaynaa goobjoog ka ahaayeen ,halka kumanaan kalana kala socdeen idaacada Qur’aanka  Al-Xikma  oo si toos ah utabinaysay Tartanka.

Sawiro
3a

3b

4

5

6

7

8

9a

9b

9c

9d
Xigasho Halgan.net

Daabacaadii Puntlandes.com

About The Author