Muuqaal: Golaha Wasiirrada DFS oo ansixiyey, Xeerka Doorashooyinka & Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda
08 Aug 2024 (Puntlandes.com) Golaha Wasiirrada ayaa maanta ansixiyey, Xeerka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda oo lagu hagayo hannaanka doorashooyinka dalka.
Xeerarkaan oo loo gudbiyey Golaha Shacabka ayaa qeexayaa qabashada doorasho qof iyo cod ah & Xisbiyo siyaasadeed oo aysan isku raacsaneyn dhammaan dhinacyada Siyaasadda oo ay ku jiraan musharixiinta kursiga u sareeya dalka.
Golaha Shacabka, ayaa horay waxaa u horyaalay Hindise sharciyeedka guddiga Doorashooyinka, waxaana 3 Hindise sharciyeedka hadda loo gudbiyey uu kaabayaa kan guddiga, sadexdaba waxaa la filayaa in ay ansixiyaan.