Xeerka doorashooyinka golaha wasiiradu ansixiyen gobalka Banaadir wuxu yeelanaya Golle deegaan oo cod dadweyne ku yimi, madaxweynahaana magacaabaya gudoomiyaha…!!!!

08 Aug 2024 (Puntlandes.com) Sida ku cad Hindise sharciyeedka doorashooyinka ee ay maanta meelmariyeen golaha wasiiradda dawladda Fedraalka Soomaaliya, ayaa qodobka 22aad oo ka hadlaya Maqaamka Muqdisho, wuxuu sheegayaa in gobalka Banaadir yeelayo Golle deegaan oo cod dadweyne ku yimi, hayeeshee dhacdada xiisaha leh waa sida uu ku imaanayo gudoomiyaha gobalka & Kuxigeenkiisa.

Gudoomiyaha iyo Kuxigeenkiisa ayaa yeelanaya Xasaanad wasiir iyo wasiir kuxigeen, waxaana soo jeedinayaa magacaabistooda golaha wasiradda oo meelmarinaya, ka dibna magacaabis rasmi ah ayaa Madaxweynuhu kusoo saarayaa, taas oo ka dhigan in markasta madaxweynuhu magacaabayo oo golihii la doortay aysan waxba ka bedeli karin.

About The Author