Ugaas Maxamuud Cali Ugaas “qodobka 22aad ee xeerka DFS ansixisay, wan jiifnay waana na toosiyeen, Muqdisho dadka degan ayaa deg deg uga tashan doona”

09 Aug 2024 (Puntlandes.com) Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo ka hadlay xeerka shalay ay ansaxiyeen golaha Wasiirada Soomaaliya gaar ahaan qodobka 22-aad ee xeerka.

Ugaas Maxamuud ayaa yiri “Ciddii tashan weydo waligeed ayey ahaan jirtay in loo taliyo, waa ku mahadsan tahay cid kasta oo gacan ka geysatay qodobka 22-aad ee xeerka maanta soo baxay, wan jiifnay waana na toosiyeen, Muqdisho dadka degan ayaa deg deg uga tashan doona, masiirkeeda waxayna xuquuqda iyo wajibaadka ay kala sinaan doonta gobolada dalka iyadoo la ilaalinayo sharafta iyo karaamada caasimadnimo”

Qpdabka 2aad ayaa wuxuu oronayaa in Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo Kuxigeenkiisa ay yeelanayaan Xasaanad wasiir iyo wasiir kuxigeen, waxaana soo jeedinayaa magacaabistooda golaha wasiradda oo meelmarinaya, ka dibna Madaxweynaha ayaa magacaabaya iyadooo golihii la doortay aysan waxba ka bedeli karin.

About The Author