Sawirro: Madaxweyne Ku-xigeenka Lugatoor oo daah-furay duulimaadka cusub ee Daallo Airlines, Garoowe-Dubai

09 Aug 2024 (Puntlandes.com) Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta daah-furay duulimaadka cusub ee ay soo kordhisay Shirkadda Diyaaradaha Daallo Airlines, taasi oo Garoowe ka billaabaysa duulimaad toos ah oo isku xidhaya Garoowe-Dubai.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa bogaadiyey duulimaadkan cusub ee ay soo kordhisay Daallo, isaga oo muujiyey sida ay dowladdu Ahmiyad gaar ah u siinayso horumarinta Garoomada iyo duulimaadyada Puntland ku xidhaya Adduunka intiisa kale.

Munaasabada waxa ka qayb galay Wasaarada Duulista, Hawada iyo Garoomada, Duqa Degmada Garoowe, masuuliyiinta Shirkada, Ganacsato iyo marti sharaf kale.

About The Author