DFS iyo Itoobiya oo Turkiga toddobaadka dambe wada-hadallo uga billaabanayo

09 Aug 2024 (Puntlandes.com) Dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa toddobaadka soo socda waxaa dalka Turkiga dib uga billaabanaya wada-hadalladii khilaafka MOU Itoobiya iyo Somaliland.

Wasiiradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku kulmi doona magaalada Ankara todobaadka soo socda si ay uga wadahadlaan is afgaranwaaga ka dhashay heshiiska Addis ee horaantii sanadkan, siduu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa yiri “Xiisadda Somalia – Itoobiya waxa ay dhammaanaysaa marka Itoobiya gaadho Badda, iyada oo ilaalineysa midnimada dhuleed & madax-baanida siyaasadeed ee Somalia.” – Hakan Fidan.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga ayaa todobaadka oo booqday Itoobiya ayaa sida uu sheegay waxay arinta labada dal ka wada hadleen Ra´iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Waxaa muuuqata in wadahadalada oo loo balansanaa Ankarainay ka dhacaan 2da Seoptember in laga soo hormariyey xiligaas.

About The Author