Xil Fowsiyo oo taageertay musharax la tartamaya Musharaxa Jabuuti

09 Aug 2024 (Puntlandes.com) Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo dhawaan iskaga hartay tartanka doorashada guddoomiyaha ururka Midowga Afrika kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh taageeray musharaxa dalka Jabuuti ayaa si rasmi ah waxay u taageertay musharaxa Kenya Raila Odinga.

Fowsiyo oo horey u sheegtay in madaxda sare ee dalka ay kursigan ku dhisayaan musharaxa ay wadato Jabuuti ayaa markaan sida muuqata u xarko xiratay sidii ay u dhaafin laheyd.

Kulan gaar ah oo magaalada Nairobi ku dhex-maray Fowsiyo iyo Odinga ayay kaga wada-hadleen arrimo dhowr ah oo qeyb ka tahay tan doorashada guddoomiyaha Midowga Afrika.

Xildhibaan Fowsiyo ayaa kulankan taageero ugu muujisay Raila Odinga, oo xilligaan kamid ah musharaxiinta ugu cad cad ee kursigaan raadinaya, ayna dowladdiisa garab buuxa ku siineyso sidii uu dhankooda u mari lahaa.

Odinga ayaa ka mahad-celiyay taageerada Fowsiyo oo ayadu kursigan olole xooggan u gashay, waana mid sare usii qaadeysa rejada Kenya ee kursigaan.

“Aad ayaan uga mahad-celinayaa taageerada ay ii fidisay Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf tartanka aan u galay guddoomiyaha AUC” ayuu yiri musharax Raila Odinga.

Tageerada Fowsiyo ay u muujisay Odinga ayaa kusoo aadeysa, xilli ay dowladda federaalka Soomaaliya doorashadaan ku garab taagan tahay musharaxa ay wadato Jabuuti, ahna wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi Maxamuud Cali Yuusuf.

Doorashadan oo dhacaysa bisha February ee sannadka soo socda ayaa waxaa loo diiwaan-geliyay afar musharrax, kuwaasi oo kala ah; Raila Odinga oo u dhashay dalka Kenya, wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti iyo musharixiin kale oo kasoo jeeda dalalka Mauritius iyo Madagascar.

About The Author