Xisbiga Himilo Qaran ”Xisbiga Himilo Qaran wuxuu aad uga xun yahay una canbaaraynayaa hadalkii aan munaasabka ehayn ee kasoo yeeray MD Xasan Sheekh”

10 Aug 2024 (Puntlandes.com) Xisbiga Himilo Qaran ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku sheegay inuu aad uga xun yahay una canbaaraynayo hadalkii aan munaasabka ehayn ee kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo uu gef qayaxan kula kacay dhallinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan kuwa ku nool Muqdisho.

Xisbiga Himilo Qaran ayaa ku yiri warsaxaafadeedka ”Madaxweynaha iyo xukuumaddiisu waxay ku fashilmeen inay fuliyaan ballanqaadyadii tirada badnaa ee madaxweynuhu dhallinyarada uu u sameeyay iyo dhammaan ummada Soomaaliyeedba oo ay ka mid ahyd shaqo abuurka, waxaana ayaan darto ah in Madaxweynaha ay la noqotay in xalku ku jiro inuu dhallinyarada sharaftooda uu ku xad-gudbo oo ku sifeeyo wax aan u qalmin.”

Hoos ka akhriso qoraalka:

About The Author