MD Turkiga iyo RW Itoobiya oo yeeshay wada hadal telfoon oo ay uga hadleen khilaafka Soomaaliya & Itoobiya

10 Aug 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha dalka Turkiga  Recep Tayyib Erdogan iyo RW Itoobiya Abiy Axmed ayaa yeeshay wada hadal dhanka telfoonka ah oo ay uga hadleen xariirka labadaas dal iyo khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay madaxtooyada Turkiga, Itoobiya ayaa aqbashay in ay ka dheeraato dhammaan ficilo kasta oo dhaawacaya madax banaanida dad iyo dhuleed ee Jamhuuriyada Soomaaliya.

Erdogan ayaa uga mahadceliyey talaabadaas Itoobiya oo uu sheegay in ay Soomaaliya rajo galinayaan, tan oo ka dhigan in Addis Ababa si cad uga laabatay damaceedii ay lagaahay Somaliland.

About The Author