Abiy Ahmed oo usheegay Erdogan inay Itoobiya Qasab kutahay inay Bad ka Somalia hesho

11 Aug 2024 (Puntlandes.com) Ra´iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ka hadlayay wada hadalkii uu layeeshay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa cadeeyey in uu xalay u sheegay Erdogan sida ay qasab u tahay in ay 120ka Malyan ee shacabkiisu u helaan Adeeg Badeed oo ay ku heshiiyaan labada dal ee Soomaaliya & Itoobiya.

Abiy ayaa usheegay Madaxwaynaha inay Itoobiya ay ubaahan tahay albaab baddeed, Qasabna ay tahay inay Arintaas soomaaliya ka heshiyaan.

Tani, waxay muujinaysaa in ay Itoobiya ku dhegan tahay erayga Marin Baddeed “ACCES TO THE SEA” taasoo ay horey u diiday dawladda Soomaaliya, berrito ayey furmi doonaan wada hadalada u dhexeeya labada dhan, waxaana la xaqiijinayaa in ay Soomaaliya aqbashay marin biyood, laakiin wali Faahfaahin cidna ma bixin.

About The Author