Sawirro: Wasiirka Xannaada Xoolaha Puntland oo qado-sharaf u sameyeey wafdiga La socda Safarka Madaxwaynaha Puntland ee ku marayo Goboladda Mudug iyo Nugaal

11 Aug 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka wasaaradda Xannaada Xoolaha & Daaqa dawladda Puntland Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux ayaa ayaa qado-sharaf u sameyeey wafdiga La socda Safarka Madaxwaynaha Puntland ee ku marayo Goboladda Mudug iyo Nugaal.

Waxaa kaso qayb-galay Kulanka Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Puntland,Xildhibaano,Wasiiro ,la-taliyayaal,Gudoonka Gobolka Mudug,Agaasimeyaal iyo marti sharaf kale.

Wasiirka ayaa kusoo dhaweeyey dhamaan Masuuliyiinta Dowladda ee Gobolka u jooga hirgalinta hormar waara oo la gaarsiiyo Gobolka lagana shaqeeyo amnigiisa.

Ugu danbayn Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa Kulanka soo xiray oo uga mahadceliyey wasiirka soo dhawaynta iyo qado-sharafta uu u sameyeey.

About The Author