Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diinta oo Alshabaab u ahaan jiray madaxa Waxbarashada ee gobolka Bay

11 Aug 2024 (Puntlandes.com) Madaxda DFS ayaa waxay u magaacabeen Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.

Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diinta ayaa Alshabaab u ahaan jiray 2016kii madaxa Waxbarashada ee gobolka Bay, isagoo iska soo dhiibay.

Horay isla wasaarada Awqaafta iyo Arimaha Diinta waxa uu Madaxweyne Xassan Sheekh wasiir ugu magacaabay Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo Alshabaab ahaa iminkana wuxuu isla wasaaradaas Agaasimaha Guud u magacaabay Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara) oo isna Alshabaab ka yimid.

Wasiir Abuu Mansuur Iyo Agaasime Nadaara, oo muddo Kaymaha ugu jiray Daadinta Dhiiga Soomaaliyeed in ay ayaa waxay hal wasaarad u yihiin madaxda xukunta.

About The Author