Muuqaal-Sawirro: Madaxweyne Deni oo xariga ka jaray dhismaha cusub ee Bangiga Dowladda Puntland Laanta Gaalkacyo

12 Aug 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha cusub ee Bangiga Dowladda Puntland Laanta Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyey sida wanaagsan uu u socdo qorshaha Dowladdu ku horumarinayso Bangiga Dowladda, Sida ballaarinta xarumaha iyo in la gaarsiiyey adeega uu bixiyo mid la jaanqaada Bangiyada Adduunka .

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Xumuumadda iyo Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Mudug iyo kan Degmada Gaalkacyo.

About The Author