Wada hadalada u dhaxeeya Soomaaliya & Itoobiya oo meel adag maraya

12 Aug 2024 (Puntlandes.com) Wada hadalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa meel adag maraya, iyadoo la isku mari la’yahay qodobada qaar sida dowladda Soomaaliya oo dooneysa in la keeno hannaan looga laabanayo MOU-gii, halka Itoobiya ay dooneyso in la caddeeyo qaab ay uga laaban karaan MOU.

Sidoo kale Itoonbiya ayaa doonaysa in la caddeeyo waxa loogu bedelayo iyadoo doonaysa in loogu bedeloin Dekeddo ay ka dhisato Soomaaliya.

Diblomaasiyiinta Turkiga ayaa u kala gudbinaya farriimaha, ma jirto wada hadalo fool ka fool ah oo illaa hadda labada dhinac dhex maray.

Wada xaajoodka ayaa saacado badan qaatay, walina wax is afgarad lama gaarin, Turkiduna waxay ku dadaalayaan in is-faham guud uu kala dhex dhigo labada dhinac oo heshiis lagu yahay.

About The Author