Sawirro: Madaxweyne Puntland oo la kulmay aqoon-yahanka gobolka Mudug

12 Aug 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan la qaatay aqoon-yahanka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Kulanka Madaxweyne Deni iyo aqoon-yahanka ayaa looga hadlay, kaalinta aqoon-yahanka ee horumarka iyo kobcinta aragtida bulshada ee Dowladnimada, adkaynta Amniga iyo xasiloonida,.

Waxaa si qotodheer laysula gorfeeyey mashruuca biyo saarista Gaalkacyo, Qorshaha looga gudbayo caqabadaha sababa Amnidarada, wacyi-gelinta bulshada muhiimadda at nabadda leedahay, horumarka iyo kobcinta wacyiga dadweynaha.

Sidoo kale kulanka oo ay ka qayb-galeen masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda, maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo ayaa looga hadlay hirgelinta mashaariic horumarineed oo laga dhaxlo fursado shaqo, aqoonyahanka Mudug ayaa dhankooda kulanka kusoo bandhigay daraasado ay ka sameeyeen, sidii xal waara loogu helilahaa Amniga gobolka, loo dhisilahaa garaadka iyo waaqica bulshada, loo helilahaa fursado maangal ah oo bedela wax-yaabaha sababa caqabadaha jira iyo nabaddu muhiimadda ay u leedhaay dalka iyo dadka.

About The Author