Aqoonyahanka gobolka Mudug oo MD Deni lawadaagay baahiya Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug & sida wax looga qaban karo

12 Aug 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni yaa maanta qaabilay qaar ka mid ah aqoonyahanka gobolka Mudug, iyagoo la wadaagay hababka ugu dhaqsaha badan ee isbeddel horumar lagu gaarsiin karo degmada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug.

Aqoonyahanka ayaa la wadaagay daraasadooda iyo qoraal koobaya baahiyaha ka jira gobolka Mudug, oo loo arko gobolka ugu hooseeya adeegyada dawladda iyo mashaariicda .

Madaxweyne Deni ayaa soo dhaweeyay daraasadda iyo qoraalka ay aqoonyahanka gobolka Mudug ka soo diyaariyeen baahiyaha ka jira gobolka.

Dhanaka kale Madaxweynaha ayaa muxuu sheegay inay jirto dhaqaalo xumo, taa oo hoos u dhigi karta natiijo kasta oo isbeddel oo laga fili karay in booqashada Madaxweynaha ay u horseedo gobolka Mudug.

About The Author