Sawirro: Qaar ka mid ah Isimada gobolka Mudug oo qoraal ka soo saaray dhismaha wadada Xarfo-Gaalkacyo

13 Aug 2024 (Puntlandes.com) Qaar ka mid ah Isimada gobolka Mudug oo lagu tirayo inay mucaad ku yihiin dawladda madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni ayaa qoraal ka soo saaray dhismaha wadada Xarfo-Gaalkacyo.

Isimmada ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Gaalkacyo, waxay ka soo saareen qoraalka, iyadoo uga mahadceliyey dawladda Federaalka iyo Puntland doorkii ay ku lahaayeen mashruucaan, si la mid ah deeq bixiyaasha mashruuc ayay Isimmada u mahadceliyeen iyagoo ugu baaqay in la horumariyo mashruucan oo ay doorkooda dhaqan ku soo dhaweyn doonaan.

Isimmada ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Wasaaradda Howlaha Guud ee Federaalka inay garatay muhiimada amni, dhaqaale iyo horumarineed ee waddadan ay u leedahay gobolka Mudug iyo inay fasaxday mashruucan oo muddo xayirnaa. Ugu dambeyntii, Isimmada ayaa ku baaqay in laga fogaado wax kasta oo carqaladeynaya mashruucan, si deg deg ah loo billaabo.

Isimada ayaan soo qaadin doorka Puntland ee dhismaha wadada iyo fulinteeda waxayna isku riixeen dhanka maamulka Xasan Sheekh.

About The Author