Dawladda Itoobiya oo uga mahad celisay Dalka Turkiga inuu qirsan yahay rabitaanka Itoobiya ee ah in ay hesho Marin badeed

13 Aug 2024 (Puntlandes.com) Wasaaradda Arrimaha Dibada Itoobiya oo warsaxaafadeed ka soo saartay wada-hadallada Ankara ku dhexmaray Itoobaiya iyo Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Dalka Turkiga inuu qirsan yahay rabitaanka Itoobiya ee ah in ay hesho Marin badeed.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri “Itoobiya waxay ku kalsoon tahay in Turkigu uu hadda ka mahad-celinayo muhiimadda ay Itoobiya siinayso fududaynta (wadahadalka Soomaaliya) iyo danta sharciga ah ee Itoobiya ay ku doonayso in ay ku hesho marin la isku hallayn karo oo dhanka badda ah. Itoobiya ayaa isku dayday inay dejiso xiisadda oo dib u soo celiso xiriirkii gobolka”.

About The Author