Madaxweyne Deni oo magacaabay wakiilka dowladda Puntland ee dalka Maraykanka

15 Aug 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 17, 14 Agoosto 2024, ku magacaabay Wakiilka Puntland ee Dalka Maraykanka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu Arkay : Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu Arkay: Baahida loo qabo in la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya Dowladda Puntland iyo Qurba joogta Puntland ee ku nool dalka Maraykanka.

Markuu Tixgeliyey: Aqoonteeda iyo Khibradeeda Shaqo.

Wuxuu Xeeriyey:

1. Waxaa Mulki Abdisamad Hussein loo magacaabay Wakiilka Dowladda Puntland ee Dalka Maraykanka.

2. Xeerkani wuxuu dhaqangelaya Markuu Madaxweynuhu Saxiixo, Wuuna saxiixay.

***DHAMAAD***

About The Author