Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka oo gudbiyay mooshin

17 Aug 2024 (Puntlandes.com) Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta mooshin deg-deg ah u gudbiyay guddoonka Golaha, kaas oo ku saabsan cabashada ka dhalatay canshuurta cusub ee ay soo rogtay dowladda Fedraalku.

In ka badan 10 xildhibaan ayaa saxiixay mooshinka, iyagoo oo ku dalbanaya in ajendaha kulankooda maanta lagu soo daro arrinta canshuuraha iibka iyo cabashada taagan iminka ka taagay magaalada Muqdisho.

About The Author