Wasaaradda Maaliyadda DFS oo soo saartay hanaanka ay canshuurta gadistu ujarmeyso

17 Aug 2024 (Puntlandes.com) Wasaaradda Maaliyadda dawladda Fedraalka Soomaaliya ayaa soo saartay wargalin guud oo ay canshuur bixiyasha ugu sharaxeyso hanaanka ay canshuurta gadistu ujarmeyso.

Wasaaradda ayaa cadeysay in aysan wax canshuur ah ka go’eyn hadii laba ganacsi wax kala iibsadaan iyaga oo isticmaayo koontooyinkooda ganacsi si looga fogaado in laba mar la canshuuro ganacsiga.

Shacabka iyo Ganacsatada Muqdisho ayaa waxay ka cabanayaan lacago xad-dhaaf ah oo DFS ku soo rogtay iyadoo lagu Naas nuujinayo shirkado ay leeyihiin qoyska, qaraabada iyo saaxiibada madaxweyne Xasan Sheekh.

About The Author