Muuqaal: MD Xasan Sheekh oo kahadlay xaaladda dalka, Bajaajleyda, canshuurbixinta & difaaca madaxbanaanida dalka

17 Aug 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh oo ay Madaxtooyadu baahisay hadaljeedin uu u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayuu uga hadlay xaaladda dalka, cabashada dhalinyarada Bajaajleyda Muqdisho, canshuurta gadidda ee ay dawladdu soo rogtay iyo difaaca madaxbanaanida iyo qaranimada dalka.

Madaxweynaha oo ka hadlayey cabashada dhalinyarada Bajaajleyda Muqdisho ma uusan sheegin wax talaabo ah oo uu qaadi doono, isagoo uga digay in la adeegsado waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhanka kale madaxweynaha ayaa ganacsatada u faray inay bixiyaan canshuurta gadidda, taas oo uu ku sheegay inysan cusbayn oo horay looga qaadi jiray, wuxuuna uga digay inay sii wadaan abaabul rabshado oo ay qorshaynayaan.

About The Author