Wasiir Odawaa ”Muranka Xudduuda Puntland & Galmudug waa inay ka wada hadlaan” mee GAAS?

10 july 2015 (Puntlandes) Wasiirka arrimaha Guddaha DFS Odowaa ayaa maanta sheegay wax lagu qoslo oo ah, Sharciyeyn jiritaan isku haysasho Xudduudda u dhacxaysa Dawladda Puntland iyo maamulka ay DFS Cadaado ku dhoodhoobtay ee ay madaxda uga dhigtay C/kariim Xuseen Guuleed.

Odowaa oo ka hadlaya arrintaas ayaa yiri ” looma baahna dagaal dhex mara labada maamul ee Puntland iyo Galmudug, maamulka Galmudugna waxaa madax u ah C/kariim waana inay Puntland kala hadashaa Muranka Xudduuda ee u dhexeeya labada maamul”

Puntland waxay jirtay 17 sano maamulka Cadaado ee uu Odowaa ka hadlayana DFS ayaa ku dhoobdhoobtay bishan aynu ku jirno, waa Su’aale sidee muran Xudduudeed uga dhexeyn karaa?

DFS ma saanaa ka daacad ah oo ay doonaysaa inay dalka ku maamusho inay dad gooni ah soo hubayso?

Waxaa hubaal ah inuu arrinta foosha xun ee ay wado DFS uu la dhacsan yahay madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed cali Gaas isagoo is leh 2016 ka ayaad Xamar jag oka heli doontaa!

Puntlandes.com

About The Author