Ganacsatada Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay in laga bilaabo berri 18 Agosto ay Xirayaan dhammaan ganacsiga suuqyada ku yaal Muqdisho

17 Aug 2024 (Puntlandes.com) Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in laga bilaabo maalinta berri oo ku beegan 18 Agosto inay albaabada isugu laabayaan dhammaan ganacsiga suuqyada ku yaal magaalada Muqdisho, illaa xal waara looga helayo cabashada ganacsatada.

Shaqo joojintan ayaa timid kaddib markii Wasaaradda Maaliyadda ay soo rogtay canshuuraha IIBKA loo yaqaan VAT oo laga qaadayo Merchant oo ah akoonada ganacsiga.

About The Author