Muuqaal-sawirro: Madaxweyne Muuse Biixi oo taliska Oog ee ciidankiisa dagaal uga hanbay qaranka

18 Aug 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta boogasho ku tegay taliska ciidanka Somaliland ka samayteen deegaanka Oog ee xuduudda Somaliland iyo SSC-Khaatumo..

Madaxweynaha oo khudbad u jeediyey Ciidankiisa ayaa waxa halkaas ku goodiyey inuu aarsan doono oo dagaal rogaalcelin ah ku qaadi doono deegaanada maamulka SSC-Khaatumo.

“Huwanta waxa aan leeyahay; Mar haddaan cagahayga ku carraabi karaayo waxba hay calaacalina.” Madaxweyne Muuse Biixi

Wuxuu intaas ku daray in aanu “dagaalku dhammaan” oo uu goobo kale ka dagaallami doono.

About The Author