Madaxweyne Deni oo si kala gooni gooni ah u qaabilay Safiirada Wadamada Germany, Denmark & Sweden ee Soomaaliya

19 Aug 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si kala gooni gooni ah u qaabilay Safiirada Wadamada Germany , Denmark iyo Sweden ee Soomaaliya, kuwaasi oo kala ah Ambs. Sebestian Groth, Amb. Steen Sonne Andersen iyo Amb. Joachim Waern.

Kulamada ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin ee ay wadamadan ka wadaan Puntland, Dimuqraadiyadda hirgashay iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya.

About The Author