Dhagayso: Odowaa ”Baarlamaanka ayaa matala Gobolada, Gudiyaduna hadaba waa shaqaynayaan”

10 july 2015 (Puntlandes) Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS Odowaa ayaa waxaa su’aal laga waydiiyey Guddiyadda Xudduudda iyo Doorashooyinka ay magacaabeen maadaama ay Puntland diiday siday ku shaqayn karaan wuxuuna ku jawaabay ”wadankan waxa hay’adihiisa ugu wayn Baarlamaanka hadduu ansixiyeyna wixii ka bambeeyaa waa iska yar uihiin… Goboladana Baarlamaankaa matala, Gudiyaduna waa sharciyeysan yihiin hadaba waa shaqaynayaan”

Halkaas wuxuu wasiirka DFS caddeeyey inay iyaga kaiya ay yihiin waxa wax ka go’aan cid kalena aan loo joojin karin, isagoo ka soo qaaday wax aanba jirin hadaladii iyo CALAACALKII ka soo yeeray GAAS oo doonayey inuu khaldo shacabka reer Puntland.

Waxaa kaloo Odowaa la waydiiyey Puntland way diiday ”Galmudug” kadib markii ay dadkii Cadaado ku shirayey ay Dastuurkooda ku qorteen inay xudduudoodu tahay Gobolka Nugaal, arrintaas ay ku qorteen Dastuurkooda, siday DFS u aragtaa? Wuxuu jawaabay Odowaa inkiraad uu bilaabay inaysan shuqul ku layan Xudduuda lagu qortay Nugaal aysan iyagu qorin Dastuurka maamulka ay Cadaado ku dhoohoobeen!!!CAJIIB. Wuxuu kaloo intaas ku sii daray mar haddii muran uu jiro waa in la wada hadlaa oo la xaliyaa isagoo ugu dambayntii sheegay in Guddigooda Xudduuduhu uu galidoono arintaas!! CAJIIB.

Muxuu GAAS yeelin? ma baryin Odowaa? Daka Gaas Aqoonta u leh ma aaminsana inuu wax ka oran karo wasiirka DFS oo hadlay maxaa yeelay isagu waa ”Gudoomiye Gobol” ama Degmo sida ay u arkaan Kooxda uu hor boodayo Xasan Sheekh.

Dhagayso Odowaa


Puntlandes.com

About The Author