Sawirro: Madaxweyne Deni oo caawa kulan casho ah la yeeshay Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya & masuuliyiin ka tirsan safaarada

19 Aug 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa kulan casho ah la yeeshay Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Ambs. Richard H. Riley iyo masuuliyiin ka tirsan safaarada.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland, La-taliyeyaal Madaxweyne, Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Puntland iyo Wakiilka Puntland ee Kenya.

About The Author