Daawo Video: Qaar ka mida Isimadda Somaliland oo u mahad celiyey shacabka iyo dowladda Puntland
10 july 2015 (Puntlandes) Waxaa maanta dadwayne kala duwan ay magalada Hargaysa si wayn ugu soo dhaweeyeen Suldaan Maxamed Suldaan Cabdqaadir Suldaan Diiriye oo ah Suldaanka guud ee Somaliland iyo Abwaan Cabdiwaaxid Gabadiid oo mudo ku xirnaa Puntland isla markasna dowladda Puntland ay cafis u fidisay, iyagoo kasoo kicitimay Caasimad Puntland ee Garowe.
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ka hadlay soo dhawayntii ayaa u mahad celiyay Suldaan Siciid Maxamed Garaase, Islaan Ciise Islaan Maxamed, Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab iyo Agaasiamaha wasaradda Cadaalada oo ka caawiyey arrinkii uu Garowe u yimid.
Qaar ka mid ah Odayaasha Somaliland ayaa Puntland shacabkeeda iyo mamulkeeda ku tilmaamay dad wanaag ku sifoobey oo ku dayasho mudan isla markasna mudan in la sheego wanaaga iyo xurmadda ay dadka Soomaaliyeed u hayaan, sidoo kale Odayaasha ayaa sheegay inaysan wanaaga ay ka heleen Puntland ka helin xukumadda Somaliland iyo siyaasiyiintooda.
Abwaan Cabdiwaaxid Gabadiid ayaa Gabay uu tiriyay markii ka degay Hargaysa waxa uu ku ammaanay sida wanaagsan ee loosii daayay, iyo soo dhawaynta wafdiga Suldaanka loogu sameeyay Garowe, waxa uu sheegay dadka degan Puntland inay yihiin dad samaha iyo wanaaga umadda Soomaaliyeed jecel isla markasa Soomaalida kale ka horeeya.
Daawo soo dhawaynta iyo gabaygii Abwaanka
Xigasho puntlandpost
Puntlandes.com