Imaanshaha Cumar C/rashiid & Axmed Madoobe wuxuu ku yahay Hagardaamo & Hoosaasin go,aanka laga sugayo Barlamaanka Puntland

14c

Sida aynu la socono waxaa meeshii ugu sareeyey maraya quusta ay dadka reer puntland ka gaareen in la helo Dawlad Soomaaliyeed oo Ku dhissan hab federaal ah. Waxaa la ogaa in dhagaha laga furaystay dalab kasta oo ay soo jeediyeen si loo badbaadiyo Soomaaliya. Waxaa la ogaa in Cumar Cabdirashiid uu tegey tuulada Cadaado oo markaa lagu unkayey wax loogu yeeray maamul, kaas oo sheeganayey dhulka Puntland.

14e

Waxaa kale oo la ogaa in Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu ka dhega adaygay in uu go,aan cad ka qaato, waxa ka socdey Xamar iyo Cadaado. Waxaa la ogaa in usbuucii hore laga sugayey Baarlamaanka si uu u cadeeyo mawqifkiisa, oo uusan imaan. Isaga oo bedelkeeda wadey dibindaabeynta in uu Baarlamaanku ka jawaabo codsiga bulshadan uu daashadey daba jooga iyo raadinta Soomaali aan iyyadu is rabin.

Berri oo sabti ah taariikhduna tahay 11 waxaa la hadal hayaa in ay yimaadaan Puntland Cumar Cabdirashiid oo isagu raali ka noqday oo kula shaqaynayey waxa ka socdey tuulada Cadaado. Isaga oo aan marna ka hadlin burburka lala damacsanyahay Puntland. Wuxuu kaloo isaga wasiiradiisu soo saareen gudiyo xaaraan ah iyo xeerar intuba lidi ku ah Puntland. Soo jeedintii iyo diidmadii Puntland waligiis kamu hadal mana uusan imaan si uu cabashadoo ugala hadlo. Waxaa dhinaca kale imaanaya  Axmed Maxamed Islaan oo isaga doodiisu noqondoonto oo kaliya hanagu cidlaynina mesha.

Waxaa cadaan ah in immaanshahooda uu lug weyn ku leeyahay Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo issaga, barroosinkii kaga jabay Xamar. Kuna daba socda wax kasta oo ay ku sameeyaan issaga.

Sadixdaan nin waxa ay hadda wadaan waa in loogu sheekeeyo dadka reer Puntland in ay wax badbaadin doonaan(Soomaalinimo!!!). Waxay rabaan in ay ku sheekeeyaan oo lagu beer laxawsado Baarlaamnka Puntland in ay dawladda xamar u hartay 10 bilood oo kaliya. Si ay markaas uga codsadaan in ay aqbalaan in ay dib u dhigaan go,aankooda. Si loo helo jaanis ”badbaado”!!. Jaanisku wuxuu kaliya oo noqonayaa in wakhti dheeraad ah loo helo  burburinta inta hartay Puntland.

Waxaa haboon in ay dadka reer Puntland ka dhiidhiyaan oo ay kacaan maadaama waxa loo socdaa ay tahay iyaga aayahooda iyo Jiritaankooda.

Cabdiweli, Cumar iyo Axmed waxay wataan danahooda shakhsiyadeed ee yeysan idin hoosaasin. Waxaadna ogaataan hadii ay balan beenaale wax tarayso horey wax u qaban lahaayeen wixii looguyeeri jirey heshiiska oo inta Garoowe lagu saxiixo meesha looga dhaqaaqi jirey. Barlamaanka Puntland Halbaan leeyahay, waxaad tihiin mateleyaashii shacabkan har iyo habeen la rifayo. Doodiinii khamiistiina waxaa  ka muuqatay sida aad uga dheregsantihiin in waxa loogu yeero heshiisyadu aysan fulin. Marka hadda waxaad haysataan fursad iyo taageero shacabkiina si aad go,aan cad oo kama dambays ah uga qaadataan arintaan.

Ama ha laydin hodo oo balan beenaale  soo jiitamaysey 25 sano  ha laydinku joojiyo. Ogaada in aan hadda la haysan fursad wax lagu saxo, waa hadii laysku dayo in 10 bilood ka bacdi la bedelo xukuumadda iyo Baarlamaankusheega Xamar, Jidkii saxda ahaa mar hore baa la baalmaray. Waxayna ku socotaa sidii ay iyagu u design gareeyeen oo ah in odoyaal ay meelaha ka soo urursadaan ama ka naadiyaan xaafadaha Xamar, sidii ay u sameeyeen markay dhisayeen waxa ay ugu yeereen gudiyada qaran!! Ka dibna ay isla iyagii soo noqdaan. Qofkasta oo caqli lihi uu ogyahay, Haduusan is indho-tirayn in sheekada Professor Gaas aanay suurtogal ahayn.

1474

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

 

About The Author