DFS oo muddo u qabatay shirkada Itoobiya Airline inay bogageeda …

21  Aug 2024 (Puntlandes.com) Dawladda Soomaaliya ayaa ku hanjabtay in dalkeeda ay ka mamnuuci doonto duullimaadyada diyaaradda Ethiopian Airlines 23-ka August 2024, haddii aanay dhowrin madax-bannaainda dhuleed ee Soomaaliya iyo badqabka rakaabka Soomaalida.

Farriin qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda Duullimaadyada Rayidka ah ayaa shirkaddan Itoobiyaanka ah ku eedeeysay in ay iska dhago-marisay, adeegsiga magaca Soomaaliya oo beddelkeed ay isticmaasho magacyada garoomada ay ku wajahan tahay oo keliya.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in marar badan ay kulammo la yeelatay masuuliyiin Itoobiyaan ah si arrintan loo xalliyo laakiin aan wax natiijo ah laga gaadhin.

About The Author