DAAWO-Dhagayso DOOD AAD U KULUL: Guddiga Xuduudaha ee DFS ansixiyey ma shaqayn karayaa?
11 july 2015 (Puntlandes) Dood aad u kulul ayaa waxay dhex martay QAYBDIID, Prof SAMATAR, Xil. JEESOOW iyo Xil. XOOSH waxayna ku saabsan tahay muranka Xuduudaha ee Maamul Goboleedyada dalka Soomaaliya iyo meesha uu ka shaqayn doono Guddiga Xuduudaha ee Baarlamaanka Xamar uu ansixiyey dhawaan maadaama aan wax wada tashi ah lagala samayn Maamul Goboleedyada Federaalka xubnaha ka ah taasi oo Dastuurka baal marsan.
CabdiQaybdiid ayaa dhawr mar toos loo waydiinayaa waxa iminka keenay inay Puntland isku qabtaan Xudduud maadaama ay intii ay soo jirtay Puntland aysan dhicin Xudduud ay isku qabtaan iyadoo su’aasha la sii raacshay soo lama oran karo waxaa dhibka keenay markii aad sheegateen dhul Puntland ah oo aad tiraahdeen xudduudayadu waa Gobolka Nugaal Qaybdiid ayaa jawaab toos ah ka war wareegay isagoo meel kale xulay.
Wuxuuna yiri “Puntland wixii shalay ay rabtay ayey maanta diiday markii ay aragtay wax Walba in ay dhamaadeen oo aan maamul dhisanay,oo maanta wixii ay mar hore fahmeen aan fahanay,Maanta turubkii ay wada barteen,Puntland waxay Ogaatay in wax lala qaybsan doono”waxaa sidaas yidhi Cabdiqaydiid
Qaybdiid ayaa iska indho tiray inay dhibaatada keentay Cilaada ay hurinayaan oo ay ku sheeganayaan dhulka Puntland.
Dooddaan waxay BBC-da Qaybtooda Af-soomaaliga ka baxday Galabtii Jimcaha (10.07.2015), waxaana sidoo kale arrimaha looga dooday ka mid ah Muranka Xuduudaha Maamul Goboleedyada gaar ahaan Dowladda Puntland iyo Maamulka ee Koonfurta Mudug iyo Galgaduud.
Halkaan ka dhageyso Doodda
Puntlandes.com