Muuqaal: MD Xasan Sheekh “Canshuurta Kirada guryaha Muqdisho July 2024 waxaa nooga soo xarootay 1Malyan $”

25 Aug 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo xalay ka hadlay munaasabad xukuumadiisu ugu dabaaldegaysay labo sanadguuradii kasoo wareegtay markii uu dhisay ayaa waxa uu sheegay in magaalada Muqdisho oo kaliya ay bishii jyly 2024 Canshuurta Kirada guryaha uga soo xarootay 1000000$.

MD Xasan Sheekh “Canshuurta Kirada guryaha Muqdisho July 2024 waxaa nooga soo xarootay 1Malyan $”

Haddii gurigiiba ay dawladu bishii ay Kiradiisa ku canshuurto 10$, waxay noqonayaan guryaha ay dawladu kasoo xarayn karto lacagta uu madaxweynuhu sheegay 100000 guri, isagoo waliba kusii daray inay sii krdhin doonaan bilaha soo socda!!

Suurtogal ma tahay inay Muqdisho ku yaalaan guryo kabadan boqol kun oo kri loogu jiro?

About The Author