Sawirro: Wasiir Kuxigeenka Qorshaynta & Agaasimiha Guud ee Hay’adda Istaatistikada Qaranka oo MD Xassan & RW Xamse xalay usoo bandhigay waxqabadka Hay’adda Istaatistikada Qaranka

25 Aug 2024 (Puntlandes.com) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mohamed Abdulkadir Ali oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Istaatistikada Qaranka, Sharmake Faarax ayaa Madaxweyne Xassan iyo RW Xamse xalay usoo bandhigay waxqabadka Hay’adda Istaatistikada Qaranka intii lagu jiray Shirkii Bandhigga Waxqabadka Xukuummadda labadii Sano ee la soo dhaafay, shirkaasi oo lagu qabtay Muqdisho Agoosto 24, 2024.

Madaxweynaha iyo RW ayaa sheegay in uu aad ula dhacsan uihiin horumarka muuqda ee ay Hay’ adda Istaatistikada Qaranka ku tallaabsatay muddadii koobnayd ee ay jirtay, waxayna ku bogaadiyeen Hay’adda shaqada wanaagsan ee ay qabatay.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Maxamuud C/raxmaan Beene Beene ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay inuu shaqada ka qaaday Agaasimaha Statistics Qaranka Sharmaake Maxamed Faarax, taasoo keentay inuu diidao wasiir kuxigeenkiisu.

About The Author