Sawirro: Xildhibaanada Beelaha Hawiye ee Baarlamaanka JFS oo shiray xaalada dalka iyo dhibaatada heysata Shacabka iyo Ganacsatada Muqdisho

25 Aug 2024 (Puntlandes.com) Qaar kamid ah Xildhibaanada Beelaha Hawiye kumatala labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo shir ku yeeshay Guriga Madaxweynihii Hore Soomaaliya Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayey uga hadleen xaalada dalka iyo dhibaatada heysata Shacabka iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Caasimadda Muqdisho.

Xildhibaannada ayaa waxay ka wqadaa hadleen culeyska ay wajahayaan ganacsatada, gaar ahaan dhinaca dowladda iyo sidoo kale kuwa uga imaanaya dhanka Alshaaab oo bilaabay burburin iyo hanjabaad ay ku hayaan ganacsigooda.

Xildhibaanadu ayaa ku eedeeyey xukuumadda Federaalka, ka been sheegid xaaladda dalka ee dhabta ah, waxayna isku raaceen in qeybaha bulshada ay kulamo layeeshaan, si Tabashadooda u horgeeyaan golayaasha DFS.

Falanqeyn dheer kaddib Xildhibaannada ayaa isku raacay in la dhageysto cabashooyinka ka imaanaya qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Ganacsatada, loona istaago sidii wax looga qaban lahaa culeysyada jira.

About The Author