27 Aug 2024 (Puntlandes.com) Xaaladda magaalada Ceerigaabo ayaa kacsan, iyadoo mararka qaar laga maqlayo rasaas Suuqa-hoose, halkaasoo ciidamada Somaliland ay saaka soo dhoobeen gaadiid dagaal.

Xiisaddan ayaa timid ka dib markii xalay xilli danbe ciidanka Booliiska Somaliland ay weerar ku dileen mid ka mid ah dhallinyarada magaalada oo ka soo jeeda SSC-Khaatumo, iyada oo kolkaas laba askari laga dhaawacay Booliiska SL.

Wiilka la diley oo lagu magacaabo Salmaan Aadan Cabdi ayaa la sheegey in isaga oo dhaawac ah la geeyey Cisbitaalka Guud ee degmada, balse Somaliland waxa ay xidhay ninkii baabuurka ku waday, iyada oo Salmaanna uu hal kaasi dhiig-bax ugu dhintay, sida ay inoo sheegeen ilo-lagu-kalsoonaan-karo.

Xaaladda magaalada Ceerigaabo ayaan cago badan ku taagnayn tan iyo wixii ka danbeeyey dagaalkii Laascaanood.

About The Author