DFS oo Canshuur 5% (VAT) ka qaadaysa Bukaanada

27 Aug 2024 (Puntlandes.com) Dawladda Ferderaalka Soomaaliya ayaa Canshuur Gadidda 5% (VAT) ka qaadaysa Bukaanada adeegyada caafimaad u raadsanaysa Isbitaalada Muqdisho, taasoo kasoo horjeeda dhammaan xeerarka caalamiga ah.

Sidaas oo kale xirfadayaal caafimaad ayaa loo xiray sabab la xariirta in ay Bukaanka ka qaadi waayeen lacagta Canshuur Gadidda magaalada Muqdisho, taas oo kasoo horjeeda amarkii Golaha Xukuumadda.

Sidoo kale waxaa la xiriray Bukaano diiday inay bixiyaan Canshuur Gadidda, iyadoo aysan dan dawladdu ka lahayn inay awoodaan iyo in kale.

Gabi ahaanba dalalka Saxaraha kahooseeya, oo ay kujiraan wadamada deriska la ah Soomaaliya, lagama qaado Canshuur nooc kasta oo ay tahay adeegga Caafimaadka.

Dawladnimadu waa in muwaadinku uu helaa adeeg Caafimaad oo aan lacag aheyn, haddii la awoodi waayana aan Canshuur Gadidda ama mid kale lahayn adeegguiyo Canshuur lahayn.

About The Author