Itoobiya oo walaac xoogan kamuujisay Ciidanka Masar ee kusoo wahajan Soomaaliya

28 Aug 2024 (Puntlandes.com) Itoobiya ayaa sheegtay in Amnigeeda Qaranka halis kujiro, Talaabooyinka imaanshaha Milateriga Masar ee Soomaaliyana ay gobalka u horseedayso marxalad aan daganaansho laheyn.

Xukuymadda Addis Ababa, waxay sheegtay in aysan iska indho tiri doonin waxay ugu yeertay ficilada amnigeeda dhaawacaya ama taabanaya ee kasocda gobalka, waxayna ku dooday in hadalo cadowtinimo leh uga imaanayaan Soomaaliya, oo ay sheegtay in ay dhiiga u hurtay.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso xilo Masar  48dii saac ee lasoo dhaafay qalab milateri, khuburo ciidan iyo agabyo badan u dirtay Soomaaliya, waxaana lageeyey Muqdisho.

About The Author