Akhriso hogaamiye kuxigeenka SSC-Khatumo oo ka horyimid magacaabis uusameeyey hogaamiye Firdhiye

29 Aug 2024 (Puntlandes.com) Hogaamiye kuxigeenka SSC-Khatumo Maxamed Cabdi ismaaciil (Shiine) ayaa ka horyimid magacaabis uusameeyey hogaamiye Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali.

Hogaamiyaha ayaa magacaabay gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka gobolka Cayn, isagoo ku xigeenku ku eedeeyey kaligiistalisnimo.

Shiine ayaa warsaxaafadeedka ku yiri ” Anigoo ah Hogaamiye kuxigeenka SSC-Khaatumo waxaan halkan ka cadeynayaa in Magacaabista hogaamiyaha ee Gobolka Cayn uusan igala samayn latashi islamarkaana ka turjumayn waaqaca gobolka iyo ka SSC-khaatumo, sidaa darteed maaha dhaqangal sharci.Waxaan aad uga xumahay iyadoo shacabka SSC-khaatumo marayo marxalad gaar ah oo u baahan wadatashi inuu hogaamiyuhu qaatay hannaanka keligi talisnimo.”

About The Author