Somaaliland oo si adag uga soo horjeedsatay Ciidamada Masar ee imanaya Somalia

29 Aug 2024 (Puntlandes.com) Maamulka Somaaliland ayaa si adag uga soo horjeedtay Ciidamada dalka Masar ee ku soo wajahan Soomaaliya.

Somaaliland ayaa sheegtay in imaanshaha Ciidamada Masar ee Gobalka ay uga dari donaan Xasiloonida Mandiqada Geeska Afrika.

“Somaliland kama aamusi doonto falalka halista ku ah nabada ay sida adag u hanatay iyo xasiloonida mandaqada. Waxaan u soo jeedinaynaa saaxiibadayada caalamiga ah inay si dhow ula socdaan xaaladdan naxdinta leh, isla markaana ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo lagu ilaalinayo amniga iyo xasilloonida Somaliland iyo guud ahaan gobolka” ayaa Somaliland ku tiri warsaxaafadeedka

About The Author