Sawirro: Banaanbax lagu taagyeerayey Ciidanka Itoobiya loogana horjeeda ciidanka Masar oo ka dhacay gobolka Bakool

30 Aug 2024 (Puntlandes.com) Maamulka Degmada Xudur, maamulka Gobolka Bakool iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada magaalada Xudur oo banaanbax taageero ah u muujiyey Ciidamada Ethiopia ee kusugan magaalada oo muddo dheer usoo hurey dhiigooda oo cadowga ka difaacey, islamarkaana kala shaqeeyay inay si nabad ah ugu noolaadaan guryahooda.

Waxaa ayna si wadajir ah uga soo horjeesteen Ciidamada la sheegey ee ka socda Masar oo la doonaayo in lagu carqaladeeyo Amniga guud ahaa Gobolka, markalena lagu dhibaateeyo Bulshada maskaaiinta ah ee mudada dheer ay dhibaateeyeen Cadowga Argagaxisada ah. Waxaa ayna Dowladda Federaalka ah ugu baaqeen inay ka waantowdo dhibaatada ay markasta la dooneyso Shacabka.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa markuu mucaaradka ku ahaa madaxweyne farmaajo waxa uu yiri “Haddii aad aragtaan Soomaali u cararaya Shisheeye, Soomaali kale ayuu ka cararay”

About The Author